Kitaabka Qur’aanka oo mar kale lagu gubay mid ka mid ah dalalka Yurub

Image
Edwin Wagensfeld

HAGUE, Netherland - Nin u dhaq-dhaqaaqa midig-fog ee dalka Netherland ayaa jeexjeexay kitaabka Quraanka Kariimka ah, kadib mudaharaad ka dhacay afaafka hore ee safaaradda Turkiga ku taala magaalada Hague maalintii jimcaha, taas oo ka caraysiisay muslimiin badan oo dalkaass ku sugan.

Dowladda Netherland ayaa cambaareysay qabanqaabada banaanbaxan, balse waxay sheegtay inaysan awood sharci u lahayn inay ka hortagto.

Weriyeyaasha AFP ayaa tabinayay dhacdada uu Edwin Wagensfeld -oo ah hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Pegida ee garabka midig- ku jeexjeexay nuqul ka mid ah Quraanka Kariimka, isaga iyo laba qof oo kale.

Pegida, ama Wadaniyiinta Yurub waa dhaqdhaqaaq cunsuri ah oo ka bilowday magaalada Dresden ee Jarmalka sanadkii 2014, taasoo ka dhalatay qulqulka muhaajiriinta. Waxay ka digaysaa "Islaamaynta reer Galbeedka", waxayna ku baaqaysaa in Muslimiinta laga saaro Yurub.

Booliska Netherland ayaa xiray wadada ku soo dhacda safaarada Turkiga, halkaasi oo laga soo abaabulay banaanbax looga soo horjeedo dhacdadaan oo ay ka soo qeyb galeen ilaa 50 qof, kuwaasi oo qaarkood dhagxaan ku tuuray Wagensfeld markii uu bilaabay inuu jeexjeexo bogag Qur’aanka Kariimka ah.

Ilaa 20 booliis ah oo qalabeysan ayaa soo dhexgalay, iyadoo qaar ay isku dayeen inay eryan Wagensfeld markii uu baxayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM