Kooxda Taalibaan oo ku dhawaaqdey dilka taliye sarre Daacish ah

Image
Horjoogahan ayaa la sheegay in uu ahaa Madaxii sirdoonka iyo howlgallada ee Daacish ee Afgaanistaan.

KABUL, Afgaanistan - Talibanka Afgaanistaan ​​ayaa sheegay in ciidamadooda ammaanku ay dileen laba taliye oo muhiim u ahaa kooxda Daacish, kadib weerar ay habeen hore ku qaadeen goob uu ku dhuumaaleysanayey oo ku taal caasimadda Kabul.

Shaacintan ayaa timid saacado ka hor inta uusan Maraykanku warbixin cusub ku sheegin in ilaa 3,000 oo dagaalyahannada IS ah ay ka hawlgalaan Koonfurta Aasiya oo ay ka fuliyaan falal argagixiso.

Af hayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa war uu soo saaray ku sheegay in “Madaxii sirdoonka iyo howlgallada ee Daacish” ee Afgaanistaan ​​uu sidoo kale ka mid ahaa dadkii lagu dilay howlgalkan dhacay Axaddii.

Horjoogaha la dilay ayuu ku sheegay Qari Fateh. Daacish, ama Dawladda Islaamiga ah-Khorasan (IS-K), waa garabka kooxda ISIL ee ka howlgasha Afgaanistaan ​ iyo cadawga Taalibaan ee muhiimka ah.

Mujahid ayaa waxa uu sheegay in Fatex uu soo maleegay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa safaaradaha, masaajidyada iyo bartilmaameedyada kale ee Kabul.

IS-K ayaa todobaadkii hore xaqiijisay geerida Ahangar oo sidoo kale loo yaqaan Abu Usman Al-Kashmiri, iyadoo bayaan ay soo saartay ku sheegtay in lagu dilay iska horimaad dhexmaray kooxda Taliban 14-kii February balse ma uusan sheegin goobta saxda ah.

Taalibaan ayaa si joogta ah u waday howlgalo ka dhan ah dagaalameyaasha IS-K tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen maamulka Kabul bishii Agoosto sanadkii 2021 markii ciidamada shisheeye ee uu hogaaminayo Mareykanka ay ka baxeen dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM