Kuuriyada Koonfureed oo jawaab ka bixisay hanjabaadii Kim Jong Un ee burburinta dalkaas

Image
Pyongyang ayaa horay ugu hanjabtay inay hubkeeda u adeegsan doonto burburinta Kuuriyada Koonfureed.

Seoul (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ka faallootay hadalka hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ee ahaa in Pyongyang ay u adeegsan doonto dhammaan hubkeeda burburinta Kuuriyada Koonfureed haddii ay sii waddo waxa uu ku tilmaamay "daandaansiga ciidan".

Wakaaladda Wararka Yonhap ayaa ka soo xigtay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed isagoo leh: "(Kim) wuxuu u maleynayaa in Kuuriyada Koonfureed ay awood u adeegsan doonto Waqooyiga inkasta oo aysan waligeed taa ku dhicin".

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Dowladdu waxay si adag uga jawaabi doontaa daandaansi kasta oo ka yimaada Kuuriyada Waqooyi...iyo isku day kasta oo lagu kicinayo xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya, taas oo ugu dambeyntii dhaawac u geysan doontaa maamulka Waqooyiga Kuuriya laftiisa."

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ka soo xigatay Kim Jong Un Talaadadii: "Haddii Jamhuuriyadda Kuuriya ay isku daydo in ay u adeegsato ciidamada qalabka sida ee ka dhanka ah qarankeena ama ay khatar geliso madax-bannaanida iyo amniga, kama labalabayn doono isticmaalka hubkeena oo dhan iyo dhammaan ciidamada si aan burburino Kuuriya Koonfureed oo idil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

“Aad ayaan uga niyad jabay,” ayuu yiri Trump kadib wada hadal telefoon oo uu la yeeshay Putin

Zelensky ayaa mar kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada milatari ee ay siiyaan la-hawlgalayaasha Ukraine.

  • Caalamka

    04-07-2025

  • 11:18AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM