Kuuriyada Koonfureed oo jawaab ka bixisay hanjabaadii Kim Jong Un ee burburinta dalkaas

Image
Pyongyang ayaa horay ugu hanjabtay inay hubkeeda u adeegsan doonto burburinta Kuuriyada Koonfureed.

Seoul (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ka faallootay hadalka hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ee ahaa in Pyongyang ay u adeegsan doonto dhammaan hubkeeda burburinta Kuuriyada Koonfureed haddii ay sii waddo waxa uu ku tilmaamay "daandaansiga ciidan".

Wakaaladda Wararka Yonhap ayaa ka soo xigtay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed isagoo leh: "(Kim) wuxuu u maleynayaa in Kuuriyada Koonfureed ay awood u adeegsan doonto Waqooyiga inkasta oo aysan waligeed taa ku dhicin".

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Dowladdu waxay si adag uga jawaabi doontaa daandaansi kasta oo ka yimaada Kuuriyada Waqooyi...iyo isku day kasta oo lagu kicinayo xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya, taas oo ugu dambeyntii dhaawac u geysan doontaa maamulka Waqooyiga Kuuriya laftiisa."

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ka soo xigatay Kim Jong Un Talaadadii: "Haddii Jamhuuriyadda Kuuriya ay isku daydo in ay u adeegsato ciidamada qalabka sida ee ka dhanka ah qarankeena ama ay khatar geliso madax-bannaanida iyo amniga, kama labalabayn doono isticmaalka hubkeena oo dhan iyo dhammaan ciidamada si aan burburino Kuuriya Koonfureed oo idil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Belarus oo markii ugu horreysay booqasho ku tagay Kuuriyada Waqooyi

Booqashadan waxay daba socotaa casuumaad uu Kim Jong Un u fidiyay Lukashenko bishii September ee sanadkii hore.

  • Caalamka

    25-03-2026

  • 11:40AM

Bin Salmaan oo ku riixaya Trump sii wadista dagaalka Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo khataraha gobolka

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ka dhex jira saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga…

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 04:57PM