Kuuriyada Waqooyi oo xabsi u taxaabtey askari Ameerikaan ah

Image
Travis King ayaa lagu waramay in uu ka gudbay xuduudka aadka loo ilaaliyo isaga oo aan fasax heysan.

WASHINGTON, USA - Kuuriyada Waqooyi ayaa xirtay askari ka tirsan ciidamada Mareykanka oo ka soo gudbay xadka sida adag loo ilaaliyo ee Kuuriyada Koonfureed, isaga oo aan fasax heysan.

Ninkan ayaa socdaal abaabulan ku marayay aagga ay Qaramada Midoobay maamusho ee kala qaybinaya labada dal halkaas oo loo garan og-yahay goobta milatariga ka caagan.

Xiisadda ayaa timid xilli si gaar ah ay u kacsan tahay Kuuriyada Waqooyiga, oo kamid ah dalalka ugu go'doonsan adduunka. Maraykanku wuxuu u sheegaa muwaadiniintiisa inaysan tagin halkaas.

Pentagon-ka ayaa magaca askariga ku sheegtey Travis King. Bayaan uu soo saaray, afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa caddeeyay in Pte King uu ku jiray ciidanka tan iyo Janaayo 2021.

Ma cadda in ninkan uu u goostay Kuuriyada Waqooyi iyo in uu rajaynayay in uu soo laabto. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Jamhuuriyadda Dimiuqraadiga ee Kuuriyada Waqooyi.

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa ku warantay in Pte King ay u muuqato in uu wajahayay tallaabo anshaxeed kadib markii lagu xiray Kuuriyada Koonfureed laguna eedeeyay fal gacan qaad ah.

Aagga militariga ka caaggan ama The Demilitarized Zone (DMZ) ayaa waxay kala qeybisaa waddamadda labada Kuuriya waana mid ka mid ah meelaha sida aadka ah loo adkeeyey ee adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM