Kuuriyada Woqooyi oo mar kale kala qeybisay Golaha Ammaanka

Image
Quwadaha aduunka ayaa laba daraf kala noqdey xilli ay ka doodayeen qadiyad khuseysay Pyongyang.

NEW YORK, United States - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee kala qeybsan ayaa cambaareeyay Kuuriyada Woqooyi oo dhawaan ridday gantaalka ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba.

Balse, golaha ayaa waxa uu ku guuldareystay in uu soo saaro war-saxaaafdeed rasmi ah sababo la xidhiidha diidmada Shiinaha iyo Ruushka, sidda ay shaaca a dhigeen diblumaasiyiin.

Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Hindiya ayaa ka mid ahaa 14 wadan oo "si adag u cambaareeyey" Kuuriyada Waqooyi. Gantaalkan ayaa ku dhacay meel 200km (125 mayl) u jirta xeebaha Japan, waxaana la sheegay in uu gaari karo dhul weynaha Maraykanka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkan fulisay tiro aan horay loo arag oo gantaalaha ballistic-ga ah, taasoo cambaareyn iyo walaac ku abuurtay dalalka deriska ah iyo sidoo kale Washington.

Balse Pyongyang ayaa muddo dheer u cuksaneysa ridista gantaallada balaastikada ah ka hortaga waxa ay ugu yeertay khatar tobanaan sano jirsatay oo uga imaaneysay Mareykanka iyo xulafadiisa Kuuriyada Koonfureed.

Tijaabintii ugu dambeysay oo dhacdey Jimcaihii todobaadkii hore ayaa la sameeyay wax yar ka dib markii waddanku ka digay "jawaabaha militariga daran" ee Washington.

Muddo bilo ah, Mareykanka waxa uu Golaha Ammaanka ku riixayay in uu cunaqabateyn adag ku soo rogo Kuuriyada Waqooyi xilli ay qaadaysay tijaabado gantaallo ah.

Goluhu ayaa waxa uu meel mariyey ku dhawaad ​​toban qaraar oo cunaqabatayn xoogan oo lagu soo rogay Kuuriyada Waqooyi sababo la xidhiidha dhaqdhaqaaqeeda nukliyeerka iyo gantaalada tan iyo 2006-dii.

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM