Kuuriyadda Waqooyi oo qaadey talaabo ka careysiisey reer galbeedka

Image
Tijaabada Kuuriyada Waqooyi ayaa imaanaysa maalin un kadib markii Kuuriyada Koonfureed ay tijaabisay gantaal cusub oo ay samaysatay.

WASHINGTON, USA - Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in Waqooyiga Kuuriya ay saddex gantaal oo kuwa balastiga ee ridada dhexe ay ku rideen dhinaca badda bariga.

Hay'adda ay ku midaysan yihiin ciidamada qalabka sida ee koonfurta kuuriya (JCS) ayaa ku tiri war-saxaafadeed: "Waxaan ogaanay in saddex gantaal oo nooca balaastiga ah ee ridada dhexe laga tuuray degaanka Chunghwa ee u dhaw caasimada dalka Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang'".

Gantaalaha ay riday Kuuriyada Waqooyi ayaa jaray badda dusheeda ku dhawaad 350 KM, sida lagu sheegay qoraalka ciidamada Koonfurta Kuuriya.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in sirdoonka Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay iska kaashanayaan fur-furka iyo fahanka noocyada gantaalaha iyo waxyaabaha ay ka samaysan yihiin, iyadoo aan la raacin faah-faahin dheeri ah.

Qoraalka ayaa lagu cambaareeyay dhaq-dhaqaaqyadan cusub ee Kuuriyada Waqooyi, iyada oo loogu yeeray in ay joojiso.

''Ciidankeenu wuxuu u diyaar yahay in uu ka jawaabo daan-daansi kasta oo ka yimaada Kuuriyada Waqooyi waliba si deg-deg ah,'' ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Tijaabada Kuuriyada Waqooyi ayaa imaanaysa maalin un kadib markii Kuuriyada Koonfureed ay tijaabisay gantaal cusub oo ay samaysatay.

Todobaadkii hore, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa isaga oo ka qayb galayay shirka xisbiga shaqaalaha oo ah midka dalkaas ka taliya wuxuu sheegay in uu siiyay ciidamada qorshe cusub oo kor loogu qaadayo awooda milatari ee dalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM