Kuwait: Ku dhowaad 50 qof oo ku dhintay dab qabsaday dhismo

Image
In ka badan 30 muwaadiniin Hindi ah ayaa lagu daweeyay isbitaallada kadib markii ay waxyeelo kasoo gaartey dhacdadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 49 qof ayaa Arbacadii ku dhintay dab subaxnimadii hore qabsaday dhismo ay ku sugnaayeen shaqaale oo ku yaalla Kuwait. Saraakiisha ayaa sheegaya in koronto ay sabab u tahay. Dabka ayaa ka kacay degmada Mangaf ee Kuwait, halkaasoo ay ku badan yihiin shaqaale ajnabi ah.

Qof ka badbaaday dabka, oo ah darawal u dhashay Masar, ayaa sheegay in dabku uu ka bilowday dabaqyada hoose ee dhismaha oo uu sare u kacay ilaa uu qiiq ka buuxsamo dhismaha. Booliska ayaa sheegay in dad badan oo deegaanka ah la soo badbaadiyay balse qaar badan ay u dhinteen qiiqa oo ay nuugeen.

In ka badan 30 muwaadiniin Hindi ah ayaa lagu daweeyay isbitaallada, sida uu sheegay safiirka Hindiya. Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in la go’aaminayo dalalka ay u kala dhasheen dhibanayaasha kale.

Raiisel wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa yiri, "Dareenkeygu waxa uu la jiraa dhammaan kuwa lumiyay kuwa u dhow iyo kuwa qaaliga ah," qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X.

Kuwait waxay si aad ah ugu tiirsan tahay shaqaalaha ajnabiga ah ee ka shaqeeya dhowr warshadood, oo ay ku jiraan dhismaha.

Dalka waxa kale oo uu hoy u yahay kaydka saliida ee lixaad ee ugu wayn aduunka. Dab hore ayaa sanadkii 2022 ka kacay warshad saliid sifeeya, waxaana ku dhintay afar qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM

Trump oo markii uu ka degay Malaysia la kulmay banaanbax isaga looga soo horjeedo

Madaxweynaha Mareykanka ayaa si weyn u doonaya inuu sheegto door muhiim ah oo uu ku lahaa heshiiskaas.

  • Caalamka

    26-10-2025

  • 05:00AM