La taliye Mareykan ah oo xaqiijiyay in Xamaas ay ka guulaysatay Israa’iil

Image

WASHINGTON (GO) - Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton, ayaa sheegay in Xamaas ay guul weyn ka gaartay Israel.

Hadalka John Bolton waxa uu ku soo baxay maqaal lagu daabacay wargeyska “Telegraph” ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, kaas oo uu ku sheegay in heshiiska Xabbad joojinta oo labada Faa’iido iyo Khasaare xabaarsan yahay, balse waxa uu sheegay in dagaalyahannada Xamaas oo uu ku tilmaamay “argagixiso” ee inta badan ee faa’iidooyinka ay iyagu heleen.

Waxa uu qoray in maxaabiista laga sii daayo gacanta Xamaas ay tahay wax la ammaano, laakiin wadda khaldan loo maray.

Waxa uu intaa ku daray: "Weli ma cadda in heshiiskani uu noqon doono mid saameyn togan ku yeellan doono Israa'iil, balse waxa uu wiiqaya awoodda ay u leedahay in ay xaqiijiso hadafkeeda ahaa in ay baabi’iso Xamaas."

Sarkaalkii hore ee Maraykanku wuxuu ku tilmaamay heshiiska la gaaray mid dhinacyo badan ka cilladaysan, xitaa haddii uu si fiican u dhaco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM