La wareegida Musk ee Twitter: Shimbirtii baalka oo la sii daayay

Image
Lacagta lagu iibsadey shirkada ayaa ka timid ganacsato maalgashadayaal ah, dowladda Qatar iyo Sucuudiga.

WASHINGTON, USA - Xusuuso, callaamadda Barta Bulshada ee Twitter waa shimbir, sidaasi darteed markii ninka maalqabeenka ah Elon Musk uu iibsaday shirkadan waxa uu degelkiisa ku qoray “Ugu dambeyn shirbirtii baalka waa la siidaayay”.

In shimbirta shabaqa kusii jirto iyo in laga fasoxo midkooda roon waa dood uu waqtiga kala caddayn doono, haatana ayba ka taagantahay dood culus, balse isbadelo waaweyn oo uu ballan-qaday Elon Musk ayuu durba maalintii koowaad ku dhaqaaqay qaar ka mid ah.

Xafiiska ay shirkadda ku leedahay magaalada San Francisco ee Maraykanka ayaa si turunturin xafiiska looga saaray agaasimihii shirkadda Prag Agriwal iyo mas’uul kale oo isla maanta shaqada laga eryay. Prag iyo Musk ayaa isku qabtay qaabka loo maamulayo shirkadda xilligii uu socday wadahadalka uu Musk ku iibsanayay shirkadda.

Mr Musk waxa uu horey u ballan-qaaday in uu xayiraadda ka qaadi doono madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trum oo loo mamnuucay hadallo nacayb iyo kicin ah oo uu bartani ku faafiyay.

Trump ayaa u dabaal dagay isbadelka Twitterka ka dhacay, iyada oo dad badan oo isaga taabacsan ay iyaguna soo dhoweeyeen arrinkan cusub ee soo kordhay.

Dad caan ah oo u janjeera dhanka middigta fog ee aragtidooda xag jirka tahay ayaa maalintii koowaadba heley kumanaan kun oo qof oo soo raacay degelkooda, halka kuwa aragtida dhexdhexaadka qaba ay lumiyeen taageerayaal badan.

Mas’uul sare oo ka tirsan Midoowga Yurub ayaa u digey Mr Musk, wuxuuna ku yiri “Xusuuso halkani waa Yurub, shimbirtana waxa ay ku duushaa shuruucda noo yaala”, isaga oo ula jeeda in aanan loo dulqaadan doonin aragtiyo aanan la faafreebin oo nacayb iyo kicin ah oo Yurub lagu dhex faafiyo.

Twitter waxa hadda ku xiran 240 milyan oo qof, waana tiro aad uga yar inta ku xiran Baraha Kale ee Bulshada sida Facebook oo kale. Waxaa intaasi usii dheer sanadihii ugu dambeeyay qasaare badan ayay shirkadda gashay oo lama faa’iidin, sidaas oo ay tahay ayuu Musk ka bixiyay $44 bilyan oo doolar.

Meesha ugu weyn ee Twitter-ka ku xoog badanyahay ayaa ah in uu yahay warbaahinta ugu weyn ee laga saameeyo aragtida adduunka, iyada oo ay adeegsadaan siyaasiyiinta, aqoonyahadanada, saxafiyiinta iyo dadka kale ee aragtida sameeya. Waana sababta aaladani ay uga muhiimsantahay kuwa kale ee lagu xiriiro.

Qeybo badan oo lacagtan ah waxaa bixiyay ganacsato maalgashadayaal ah oo saaxiib la ah ninkani, dowladda Qatar iyo Sucuudiga. Amiir Bin Talaal oo ka mid ah taajiriinta Sucuudiga ayaa qeybta ugu badan ku leh saamiga Sucuudiga.

Dalka Sucuudiga waa kan ugu badan ee dadka ugu badan ay adeegsadaan bartan, 12 milyan oo qof oo Sucuudi ah ayaa bartan isticmaala, iyada oo guud ahaan tirakoobka dadka dalkaasi uu dhanyahay 34 milyan oo qof.

Elon Musk wuxuu aaminsanyahay oo uu sheegaa in xoriyadda hadalka aanan la xakamaynin, qof kastana uu yiraahdo wax allaale wixii uu doono, halka maamulkii isaga ka horeeyay ay aaminsanaayeen in xad loo yeelo xoriyadda hadalka, gaar ahaan marka ay timaado hadalada nacaybka iyo kicinta ku salaysan.

Doodda iyo muranka ugu badan waa halkaasi meesha uu ka taaganyahay, dad uu Trump ugu horeeyana waxaba ay sii soofeysanayaan mindiyahooda, iyaga oo u diyaargaroobaya sidii jilbaha ugu dhigi lahaayeen ragga ay siyaasadda isku hayaan doorashooyinka soo wajahan ee Maraykanka.

Qodob kale oo gorodda la iskula jiro ayaa ah wararka been abuurka ah iyo aragtiyada marin habaabinta ah ee lagu faafiyo Baraha Bulshada.
Si kastaba ahaatee, waxaa la wada dhawrayaa jihada ay u duusho shirbirta baalka la siidaayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kaalintii dhexdhexaadinta dowladda Qadar oo darbi ka laad-laada

Yahuuda ayaa miiska soo saartey in kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ay ka guuraan Dooxa.

  • Caalamka

    05-05-2024

  • 08:49AM

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM