Laba diyaarad ay leeyihiin ciidanka Hindiya oo shil ku burburay

Image
Falkan ayaa dhacay xilli ay dhoolatus ku sameynayaan meel 300 oo kilomitir koonfur ka xigta caasimadda New Delhi.

NEW DELHI, Hindiya - Labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ayna leeyihiin ciidamada cirka Hindiya ayaa ku burburay kadib markii ay isku-dhaceen iyaga oo hawada ku jira, sidda ay warisay saxaafada.

Falkan ayaa, sidda laga soo xigtay warbixinta, wuxuu dhacay xilli ay dhoolatus ku sameynayaan meel 300 oo kilomitir koonfur ka xigta caasimadda New Delhi.

"Waxaan helnay burburka mid ka mid ah diyaaradaha, waxaana ka helnay kaymaha Parhadgarh; duuliye ayaa dhaawacmay," ayuu sarkaal Dharmender Gaur u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas sii raaciyey: "Diyaaradda kale waxay u badan tahay inay ka fogaatay goobta, waxaana u dirnay kooxo si ay u soo helaan".

Shilkan diyaaradeed ayaa ah kii ugu dambeeyay ee dhacdooyin noocaan oo kale oo ay horey ugu lug-yeesheen diyaarado ay leeyihiin militariga Hindiya.

Shan askari oo ka tirsan ciidamada milateriga ayaa dhintey bishii Oktoobar, 2022 markii diyaarad ay la socdeen ay ku burburtay gobolka Arunachal Pradesh, oo u dhow xuduudda militari ee Shiinaha.

Waa shilkii labaad ee militeri ee ka dhaca gobolka bishaas, todobaadyo ka dib markii diyaarad kale ay ku soo dhacday meel u dhow magaalada Tawang, halkaasoo uu ku nafwaayay duuliyihii waday.

Taliyaha difaaca ee Hindiya, General Bipin Rawat, ayaa ka mid ahaa 13 qof oo ku dhintay diyaarad uu Ruushku sameeyay oo nooceedu ahaa Mi-17 oo ku burburtay saldhigga ciidanka cirka bishii December 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM