Labada dhinac ee dagaalka Sudan oo ku heshiiyay xabad joojin inta lagu guda jiro bisha Ramadaan

Image
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa xabadjoojin ugu baaqay labada dhinac.

Khartoum (GO) - Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan ayaa Sabtidii sheegay inay soo dhawaynayaan baaqa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan joojinta dagaallada inta lagu jiro bisha Ramadaan.

“Jawaabta ciidamadeenu ka bixiyeen go’aankan waxay ku imanaysaa mas’uuliyadda damiireed oo naga saaran dadkeenna, waxayna la jaan-qaadaysa rabitaankeenna ah in aan dhibka ka saarno dadkeenna”.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ugu baaqay labada dhinac ee iskahorimaadka ka socda Suudaan inay joojiyaan xabadda inta lagu jiro bisha Ramadaan iyo inay ixtiraamaan "qiimaha" bisha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa sidoo kale soo dhaweysay codsiga Guterres, waxayna tiri, “Dowladda Sudan way soo dhaweyneysaa codsigan, isla markaana, waxay dib u xasuusaneysaa bulshada Caalamka inay marwalba u taagan tahay Xabadjoojin joogta ah in laga gaaro Sudan”.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM