Labo arrimood ka ogow shirka Isbedelka Cimilada Aduunka ee Dubai

Image
Shirka COP28 waxaa sidoo kale khudbad ka jeedin doona Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.

DUBA, Imaaraadka - Hoggaamiyeyaal ka kala socda caalamka ayaa la filayaa inay ka hadlaan shirka cimilada ee Qaramada Midoobay maanta oo Jimce ah, iyagoo la filayo inay soo bandhigaan dhibaatada cimilada ee ka taagan dalalkooda.

Boqorka Britain, King Charles, ayaa waxa uu si adag uga digay in calaamadaha soo noqnoqda ee saameynta cimilada ay dadku iska indha-tirayaan, taasoo keeneysa cawaaqib xumo ba’an.

Shirka COP28 waxaa sidoo kale khudbad ka jeediyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ka hor inta aysan madaxda caalamka sida Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Amiirka Sacuudiga Mohammed bin Salman Al Saud qudbadooda jeedin.

Dhimiska kororka heerkulka

Wufuud iyo guddiyo farsamo ayaa Jimcaha shaqo geli doona iyagoo wajahaya hawsha culus ee qiimeynta horumarkooda ku aaddan yoolalka cimilada caalamiga ah, gaar ahaan hadafka Heshiiska Paris ee ah in kororka heerkulka caalamiga ah lagu xaddido 2 darajo Celsius.

Saynisyahannadu waxay sheegayaan in kororka heerkulka caalamiga ah ee ka baxsan xadkan uu sababi doono saameyn ba’an oo aan laga soo kaban karin caalamka oo dhan.

Qaramada Midoobay ayaa Jimcaha daabacday qabyo-qoraalkii ugu horreeyay ee laga yaabo inuu noqdo saldhigga heshiiska kama dambeysta ah ee shirka COP28, kaasoo ku eg December 12-keeda.

Joojinta isticmaalka shidaalka

Qodobada ku jira qoraalkan waxaa kamid ah joojinta isticmaalka shidaalka qadiimiga ah, in la guuro isticmaalka tamarta dhuxusha iyo in la saddex jibaaro awoodda tamarta dib loo cusboonaysiin karo ilaa 2030.

Maalintii Khamiista, Madaxweynaha COP28 Sultan Ahmed al-Jaber ee Imaaraadka Carabta ayaa ugu baaqay waddamada inay si wada jir ah ula shaqeeyaan shirkadaha shidaalka si ay u gaaraan dhul dhexe, isagoo sheegay inay muhiim tahay in shirkadaha shidaalka lagu daro wadahadallada COP28 si loo xalliyo dhibaatada cimilada.

Shirka ayaa sidoo kale waxa uu guul hore u gaaray iyadoo la meel mariyay sanduuq cusub oo lagu caawinayo dalalka saboolka ah si ay ula tacaalaan masiibooyinka qaaliga ah ee cimilada la xiriira kuwaas oo Soomaaliya qaarkood ay saameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM