Labo gabdho oo lagu dhaawacay weerar loo adeegsaday Toorey

Image
Nin tuhmane ah oo 39 jir ah ayaa laga soo qabtay meel u dhow dhismaha dugsiga ee degmada Neukolln.

BERLIN, Germany - Labo gabdho ayaa ku dhaawacmay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Berlin, sidda ay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Jarmalka ay sheegeen.

Taliska Booliska oo war-saxaafadeed kooban soo saarey ayaa sheegay in gabdhaha oo da’doodu ay kala tahay 7 iyo 8 jir ay dhaawacyo halis ah ka soo gaareen weerarka.

"Dugsiga waxaa baaraya asxaabteena, dhammaan ardaydii kale waxaa lagu wareejiyay waalidkood gacan ammaan ah ayayna ku jiraan," ayuu taliska booliska ku soo qoray Twitter.

Nin tuhmane ah oo 39 jir ah ayaa laga soo qabtay meel u dhow dhismaha dugsiga ee degmada Neukolln. Hase ahaatee, lama soo bandhigin fahfaahinta shaqsiyadiisa sidda magaca iyo sawirkiisa.

Ma jiro faah faahin deg deg ah oo ku saabsan sababta tuhmanaha uu u geystay weerarkan iyo haddii ay ogaayeen dhibanayaasha. Warar aan si dhab ah loo hubin waxay sheegayaan inuu la xiriiro cunsuriyad.

Weerarada loo geysanayo xarumaha waxbarashada ayaa sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanaya dalalka reer galbeedka waxaana arrintan ay walaac ku abuurtey qoysaska ardayda dhigata iskuulada dowliga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM