Lacagta sanadkii hore soo gashay qoyska Joe Biden oo la faafiyey

Image
Biden ayaa sidoo kale ugu deeqay hay’adaha samafalka qiyaastii 2.8% dakhligooda taas oo ka dhigan $17,384

WASHINGTON, USA - Madaxweyne Joe Biden iyo xaaskiisa, Jill, ayaa waxay Jimcihii sii daayeen canshuur celintooda federaalka, taasoo muujineysa in lammaanaha ay soo gashay in ka badan $600,000 sannadkii hore iyagoo bixiyey canshuur wax ku ool ah oo gaareysa 24.6%.

Biden ayaa sidoo kale ugu deeqay hay’adaha samafalka qiyaastii 2.8% dakhligooda taas oo ka dhigan $17,384, waxaana ka mid ah $5,000 oo la siiyay hay'adda ka shaqeysa ka hortagga xadgudubka carruurta ee Beau Biden.

Hay’adda Beau Biden ayaa loogu magacdaray wiilkii madaxweynaha, Beau Biden kaas oo u dhintay xanuunka kansarka sanadkii 2015. Dhaqanka ah in madaxweynayaasha ay dadweynaha u soo bandhigaan canshuur celintooda ayaa waxaa jabiyey hogaamiyihii Biden ka horeeyay ee Donald Trump isagoo sheegay in ay u suurtogali weysay in uu sidaas sameeyo intii ay baaritaanka ku sameynayeen waaxda canshuurta dalka.

Biden ayaa sheegay in dakhliga guud ee soo gala uu yahay $610,702 waxuuna canshuur ahaan u bixiyey $150,439. Dhaqaalaha madaxweynaha ayaa markii uu xilka qabanayey waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa $607,336.

Joe Biden ayaa waxuu mushaarkiisa madaxweynenimo ku helay $378,333, taas oo wax yar ka hooseysa $400,000 sababtoo ah waxa uu xafiiska soo galay Janaayo 20.

Xaaska madaxweynaha, Jill Biden ayaa shaqadeeda waxbaridda Kuliyadda Bulshada ee Waqooyiga Virginia ka heshay $67,116. "Marka la sii daayo warbixintan ayaa ka dhigan in madaxweynaha uu wadar ahaan 24 sano oo canshuur celin ah la wadaagay dadweynaha Mareykanka, isagoo mar kale muujiyay sida ay uga go'an tahay inuu dadka Mareykanka u caddeeyo dhaqaalaha taliyaha guud," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Qoraalkan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu sheegay in dakhliga guud ee madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Kamala Harris iyo seygeeda Doug Emhoff uu yahay $1,655,563 iyagoo bixiyey canshuur gaareysa $523,371 taas oo noqoneysa 31.6%.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Emhoff uu ka tagay shaqadiisa qareenimo 2021, shirkaduna waxa ay bixineysaa saamigii uu ku lahaa muddo sanooyin ah.

Sannadkii hore wuxuu $582,543 ka helay shirkadaha sharciga ee DLA Piper, oo uu markii danbe ka tagay iyo Venable, oo uu ka tagay 2017.
Iibka buugaagta Harris ayaa kordhay sanadkii 2021, waxayna ka heshay faa'iido dhan $386,713.

Emhoff iyo Harris ayaa sameeyay $380,288 isku darka mushaarkooda iyo qiyaastii $319,000 faa'iido ay ka heleen iibinta gurigooda San Francisco, iyagoona ku tabarucay qiyaastii 1.3% dakhligooda taas oo lacag ahaan noqoneysa $22,100, sida lagu sheegay xogta Aqalka Cad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

  • Caalamka

    28-04-2024

  • 04:23AM

Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 07:47AM