Laftagareen oo kala hadlay safiirka Ingiriiska wajiga 2-aad ee dagaalka ‘AS’

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis iyo wafdi uu Hogaaminayey.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ku wehliyay madaxweyne Laftagareen Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Cadaalada, Gargaarka iyo Howlaha guud.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Saamaynta Fatahaadka Biyaha, u diyaar garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka ‘AS’, Xoojinta Wadashaqaynta iyo hirgelinta mashaariicda loogu adeegayo Bulshada.

Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa adkeeyey in socdaalkiisa Magaalada Baydhabo ay tahay sidii Dowladda Ingiriiska ay kaalin ugu qaadan lahayd u-gur-mashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM