Lataliye Mareykan ah oo saadaaliyay In Qasa lagu wareejin doono Masar

Image

QASA - Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mareykanka John Bolton ayaa sheegay in Israa'iil ay burburin doonto Xamaas, ka dibna xukunka Qasa lagu celin doono Masar.

Bolton waxa uu sheegay in Xamaas ay dhibaato u gaysatay dadka deggan Qasa, Isagoo intaa ku daray in dhibaaatada ay ku nool yihiin Falastiiniyiinta ay ka dhalatay maamul xumada Xamaas.

Bolton wuxuu yiri: "Xukunka Qasa waa in lagu celiyaa Masar sidii hore, Sidoo kale qaar ka mid ah dhulalka kale waa in lagu celiyaa Jordan."

Waxa uu saadaaliyay in Israa’iil ay markii dambe burburin doonto Xamaas, ka dibna hoggaanka Falastiin ee ka arrima Daanta Galbeed ay soo faragelin doonaan si Masar ay ugala shaqeeyaan habka dadka deggan Qasa ay ula falgeli lahaayeen nidaamka ka jira Masar.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM