Lataliye Mareykan ah oo saadaaliyay In Qasa lagu wareejin doono Masar

Image

QASA - Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mareykanka John Bolton ayaa sheegay in Israa'iil ay burburin doonto Xamaas, ka dibna xukunka Qasa lagu celin doono Masar.

Bolton waxa uu sheegay in Xamaas ay dhibaato u gaysatay dadka deggan Qasa, Isagoo intaa ku daray in dhibaaatada ay ku nool yihiin Falastiiniyiinta ay ka dhalatay maamul xumada Xamaas.

Bolton wuxuu yiri: "Xukunka Qasa waa in lagu celiyaa Masar sidii hore, Sidoo kale qaar ka mid ah dhulalka kale waa in lagu celiyaa Jordan."

Waxa uu saadaaliyay in Israa’iil ay markii dambe burburin doonto Xamaas, ka dibna hoggaanka Falastiin ee ka arrima Daanta Galbeed ay soo faragelin doonaan si Masar ay ugala shaqeeyaan habka dadka deggan Qasa ay ula falgeli lahaayeen nidaamka ka jira Masar.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM