Lataliyeyaasha Putin "ku marin-habaabiyey" duulaanka Ukraine

Image
Kremlin-ka oo u jawaabay Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanka uu gabi ahaanba “qalad u fahmay" xaaladda.

WASHINGTON, USA - Aqalka Cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Putin ay marin habaabiyeen taliyeyaal aad uga cabsanaya in ay u sheegaan khatarta uu leeyahay dagaalka Ukraine.

Mr. Putin sidoo kale looma sheego saameynta buuxda ee cunaqabateynta dhaqaalaha Ruushka, ayuu yiri Aqalka Cad. Dhanka kale, Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine ay niyad jabsan yihiin, isla markaana ay gabaabsi yihiin qalabkii ay u baahnaayeen, iyagoo diiday inay fuliyaan amarada taliyeyaashooda.

Kremlin-ka ayaa sheegay in Mareykanka uu gabi ahaanba “qalad u fahmay" xaaladda. Afhayeenka Mr Putin, Dmitry Peskov ayaa mar uu la hadlayey suxufiyiinta yiri: "Si fudud uma fahmi karaan waxa ka dhacaya Kremlin-ka, ma fahmaan madaxweyne Putin, ma fahmaan sida go'aamada loo qaato, mana fahmaan qaabka shaqadeena".

"Tani waxay ahayd mid walaac leh sababtoo ah isfaham la'aantaas oo dhan waxay keentaa go'aanno khaldan oo cawaaqib xun leh," ayuu raaciyey. Goor sii horreysay, af hayeenka Aqalka Cad, Kate Bedingfield ayaa sheegtay in Mareykanka uu hayo xog ku saabsan in Putin uu dareemaayey inay marin habaabiyeen madaxda milatariga Ruushka taasina ay abuurtay “xiisad u dhexeysa Putin iyo hoggaanka ciidanka.

"Dagaalka Putin waxa uu ahaa ilduuf siyaasadeed oo Ruushka muddo dheer ka dhigi doona mid daciif ah oo ku go'doonsan masraxa adduunka," ayay tiri. Afhayeen u hadlay Pentagon-ka, John Kirby ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweynaha Ruushka in uusan xog ogaal u ahayn waxa ka dhalan kara iyo waxa dhacaya haatan, lataliyeyaashiisana aysan u sheegi karin war xun oo ku saabsan dagaalka.

“Ma garaneysid sida hoggaamiye noocaas ah uu uga falcelinayo haddii uu helo war xun,” ayuu yiri. Ciidamada Ukraine ayaa bilaabay isku dayo ay ku doonayaan in ay dib ugala wareegaan qaar ka mid ah goobaha Ruushka ay gacanta ku hayeen, kuwaas oo Talaadadii sheegay in ay hoos u dhigi doonaan hawlgallada ka socda Kyiv iyo waqooyiga magaalada Chernihiv.

Madaxa hay'adda sirdoonka internetka ee Ingiriiska, Jeremy Fleming ayaa sheegay in tallaabadani ay sii kordhinayso calaamado muujinaya in Ruushku “uu si weyn uga ilduufay xaaladda" laguna qasbay "in uu dib u eegis ku sameeyo".

"Waxaan aragnay askarta Ruushka oo aan haysan hub fiican, niyadna jabsan diidayana inay fuliyaan amarka madaxdooda, waxaana ay burburinayeen agabkooda ciidan iyo diyaaradahooda," ayuu Mr Fleming ku yiri khudbad uu ka jeediyay Jaamacadda Qaranka Australia ee Canberra.

Ruushka ayaa sii kordhiyay weerarada uu ka fulinayo aagga uu sheegay in uu ka dhimi doono hawlgallada waxeyna inta badan falanqeeyeyaasha aaminsan yihiin in uu dib iskusoo abaabulayo oo ay ka tahay kaarto dagaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM