Lavrov oo lagu ‘qasbay’ inuu baajiyo booqashadiisii Serbia

Image
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka.

MOSCOW, Russia – Booqasho uu Serbia ku tagi lahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa la baajiyay kadib markii wadamada ku teedsan dalalka Balkanka ay hawadooda ka xireen diyaaradiisa, sidda ay sheegtay warbaahintu.

Waqooyiga Macedonia, Bulgaria iyo Montenegro dhamaantood waxay diideen inay u oggolaadaan diyaaradda Lavrov inay isticmaasho hawadooda, wargayska maalinlaha Seerbiya Vecernje Novosti ayaa werisay Axaddii.

Wakaaladda wararka ee Interfax ayaa sheegtay in ilo dublamaasiyadeed oo sare uu xaqiijiyay warbixinta warbaahinta Serbia. "Diblamaasiyaddeenu wali ma aysan baarin isgaarsiinta," isha ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka. Lavrov ayaa lagu waday inuu maanta oo isniin ah gaaro caasimadda Serbia ee Belgrade.

Dublamaasigii ugu sarreeyay Moscow ayaa reer galbeedku cunaqabatayn ku soo rogeen dagaalka Ruushka ee Ukraine. Midowga Yurub ayaa sidoo kale hawadooda ka xiray diyaaradaha Ruushka sababo la xiriira duullaanka.

Serbia, oo xiriir dhaqameed la leh Ruushka, ayaa iska difaacday cadaadis ah in ay dhinac ka raacdo duulaanka Ruushka ee Ukraine, sidoo kale kuma aysan biirin cunaqabateynta reer galbeedka ee ka dhanka ah Moscow.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Serbia Aleksandar Vucic ayaa bishii hore isku raacay in Ruushka uu sii wado bixinta gaaska dabiiciga ah ee Serbia, halka dalal kale laga jaray kadib markii ay diideen inay bixiyaan lacagta gaaska Ruushka ee ruble.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM