Liberia: Laacibkii hore oo looga adkaaday tartanka doorashada

Image

MONROVIA (GO) - Madaxweyne ku xigeenka dalka Liberia Joseph Boakai ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinimada dalkaas, isaga oo helay codad gaaraya %51, ka dib markii guddiga doorasahda ay shaaciyeen natiijada rasmiga ah.

Madaxweyne George Weah oo tartanka kula jiray ayaa qirtay in laga guuleystay, isagoo sheegay in xisbigiisa looga adkaaday doorashada.

Mareykanka ayaa ugu hambalyeeyay Boakai guushiisa iyo Weah sida nabada ah ee uu u aqbalay natiijada.

Weah ayaa balan qaaday inuu ka shaqayn doono wanaaga Liberia ilaa inta xilka laga wareejinayo bisha Janaayo.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii labaad ee ka dhacda dalka Liberia oo si nabad ah xukunka loogu wareejiyo labaatankii sano ee la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM