Liibiya oo tallaabo ka qaadday mas’uuliin ka dambeeyay dhimashada kumanaan ruux

Image

TRIPOLI, Liibiya - Ra'iisul Wasaaraha Liibiya, Osama Hammad, ayaa kala diray dhammaan golaha hoose ee magaalada Derna, wuxuuna u gudbiyay baaritaan, maalmo ka dib markii daadad ay ku dileen kumanaan qof magaalada oo ku taal bariga dalka.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada ka imaanaya dadka magaalada oo ku aadan in la soo bandhigo natiijada baaritaanada lagu sameeyay musiibada, lalana xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah, iyo sidoo kale in si deg deg ah loo bilaabo hanaanka dib u dhiska.

Biyaha roobka ayaa sababay in ay dumaan labada biyo-xireen oo ku yaala magaalada Derna, kuwaas oo wararku ay tilmaamayaan in aan dayactir lagu samayn muddo tobanaan sano ah.

Cilmi-baaris uu sannadkii hore soo saaray khabiir ku takhasusay cilmiga biyaha, ayaa sharraxaad looga bixiyay suurtogalnimada in magaaladu ay daadad ku soo rogmato, loona baahan yahay in si degdeg ah loo dayactiro biyo-xireennada.

Tirada guud ee dhimashada ayaan weli la cayimin, waxaana jira farqi weyn oo u dhaxeeyo tirada ay shaaciyeen mas’uuliinta Liibiya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo weli la la'yahay kumannaan qof.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM