Australia: Lix qof ay saraakiil boolis ku jiraan oo toogasho lagu dilay

Image
Ra'iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa xusay in "maalin madow" ay u tahay Australia.

SYDNEY, Australia - Lix qof oo ay ku jiraan laba askari oo booliis ah ayaa la toogtay kadib markii rag hubeysan uu weerar gaadmo ah lagu qaaday dhisme ku yaala baadiyaha waddanka Australia.

Booliska ayaa sheegay in markii falku dhacay ay ka baadi goobayeen qof la la’yahay deegaanka Wieambilla oo 270 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Brisbane ee gobolka Queensland.

Kadib saacado iska-hor-imaad ah, booliska ayaa, sidda ay qortey saxaafada, wuxuu ku guuleystay in ay toogtaan saddexda dableyda. Balse, sababta weli ma cadda ujeedada weerarka.

Ra'iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa xusay in "maalin madow" ay u tahay Australia. Xildhibaanka degaanka David Littleproud ayaa sheegay in weerarka uu bulshadiisa ka dhigay "kuwa tabar la'aan ah".

Afar sarkaal oo ka tirsan booliiska Queensland ayaa markii hore tagay guriga galabnimadii Isniinta waqtiga maxalliga ah ka dib codsi uga yimid booliiska New South Wales.

Matthew Arnold, 26, iyo Rachel McCrow, 29, ayaa la toogtay markii ay ku dhawaadeen aaggaas. Sarkaal kale ayaa waxaa soo gaaray "xabad daaq ah" midkii afraadna wuu ka baxsaday hantida.

Dhimashada waxaa baari doona dambi-baadhaha, jawaabta booliiskana waxaa baari doona taliska heerarka anshaxa ee ciidanka, si waafaqsan dhaqanka caadiga ah, sidda bileysku tibaaxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM