Lubnaan oo madaafic ku ridday Israa’iil

Image

QASSA - Ugu yaraan afar madfac laga soo tuuray koonfurta Lubnaan, ayaa ku dhacay bartilmaameedyo ku yaala gudaha dalka Israa’iil. madaaficdaas ayaa burburiyay xarun milatari ay Israa’iil ku leedahay meel u dhow beeraha Shebaa ee la haysto.

Saddex ilo dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in gantaallada laga soo tuuray Lubnaan ay ku dhaceen goob ay ku sugnaayeen ciidamada Israa’iil. Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaana ku dhawaaqay mas'uuliyadda weerarkaas.

Geesta kale, ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay fuliyeen duqayn madaafiic ah oo lala beegsaday goobo ku yaalla koonfurta Lubnaan.

Dhacdooyinkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socdaan weerar gaadmo ah oo ay Xamaas ku qaadday Israa’iil subaxnimadii Sabtida, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca boqollaal Israa’iiliyiin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM