Lubnaan oo u dhow inay ka mid noqoto waddamada dhoofiya Shidaalka

Image
SAWIR HORE

BEIRUT, Lubnaan - Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka ee dalka Lubnaan, Cali Xaamiyah, ayaa ku dhawaaqay maanta oo Arbaca ah, in uu soo gaaray dalka markab shidaal iyo gaas ka baaraya dhul badeedka dhaca koonfurta dalkaasi.

Wasiirka Lubnaan ayaan wax faahfaahin ah ka soo saarin wakhtiga dhabta ah ee qodistaasi la bilaabayo.

Shirkadda Faransiiska ah ee "Total Energies" ayaa dhankeeda ku sheegtay - bayaan ay soo saartay - inay ku rajo weyn tahay in Lubnaan ay leedahay hanti Shidaal iyo Gaas oo isugu jira.

Shirkaddan Faransiiska ah ayaa intaa ku dartay in markabka shidaal ee "Transocean Barents" uu soo gaaray goobtii loogu talagalay, iyadoo ay sii dheer tahay imaanshaha diyaarad helikobter ah oo ku timid garoonka diyaaradaha ee Beirut.

Bishii Febraayo 2018, Lubnaan waxay heshiis la gashay shirkado shidaal oo ay hogaaminayaan Total Energies, Eni iyo Qatar Energy.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas Najib Mikati ayaa ku dhawaaqay, bishii Janaayo ee la soo dhaafay, in Qatar Energy ay iskaashi la gashay “Total Energies” iyo “Eni” si loo sahamiyo loogana soo saaro gaaska dhul badeedka Lubnaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM