Maalqabeen Muslim ah oo Masjid ka dhigaya mid ah meelaha ugu caansan London

Image

LONDON - Maalqabeenka Muslimka ah ayaa ku guuleystey ogolaanshaha inuu Masjid ka dhigo mid ka mid ah meelaha ugu caansan London, Caasimada dalka Ingiriiska.

Trocadero oo la dhisay 1896 waa mid ka mid ah xarumaha madadaalada ee ugu caansan bartamaha London. Maalqabeenka Asif Aziz oo 56 jir ah ayaa masjid saddex dabaq ah ka dhisaya goobtan.

Waxaa loo maleynayaa in masaajidka - oo laga yaabo in loogu yeero 'Piccadilly Prayer Space' - uu furmi karo bilo gudahood

Dadka wax dhaleeceeya ayaa su'aal ka keenay in Masjid laga dhiso meel ay ka buuxaan baararka khamriga lagu cabo, meelaha lagu caweeyo kuwaas oo dhamaantood ay diinta Islaamka sheegtay in ay dembi yihiin.

Asif Aziz oo u dhashay Malawi, oo leh hanti ka badan 2 bilyan oo gini ayaa ku iibsaday Trocadero in ka badan 220 milyan ginni sanadkii 2005, waxaana uu go'aansaday in masaajid u bedel goobtan xumaanta lagu sameyn jiray.

Mu’asasada Aziz foundation ayaa sheegtay in masjidkan uu u adeegi doono dadka muslimiinta ah ee ku nool London, iyo sidoo kale kuwa dalxiiska u taga magaaladda.

Masjidka oo ka kooban saddex dabaq ayaa waxa uu qaadi doonaa 390 qof, oo halkii mar salaadda ku tukan kara.

Soo jeedintii hore in masaajidka qaado 1,000 qof ayaa laga noqday 2020 ka dib diidmo ka yimid dadka deegaanka iyo sidoo kale kooxaha midigta fog ee Kirishtaanka ah.

Laakin codsiga qorshaha dhismaha Masjidka Muslimiinta waxa ansixiyay golaha Westminster dhamaadki bishii May

Mr Aziz waxaa lagu tilmaamay inuu yahay 'milkiilaha ugu macquulsan' ee Britain marka la eego sida uu deeqsiga u yahay, oo uga dhigay dhismaha qiimaha badan Masjid Alle lagu caabudo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM