Mareykanka iyo Sacuudiga ka shiray qodobo xasaasi ah

Image
Sare u kaca qiimaha saliidda ayaa dhib ku ah maamulka Biden kahor doorashooyinka Congress-ka ee bisha Nofembar.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan ayaa ka wadahadlay kor u kaca qiimaha shidaalka iyo arrimaha Bariga Dhexe oo ay ku jiraan Iran iyo Yemen, kadib kulan khadka telefoonka ah oo dhexmaray labada hoggaamiye.

"Labada hgogaamiye waxaa ka go'an inay hubiyaan xasiloonida sahayda tamarta dunida" ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Aqalka Cad. Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dalka ugu badan dhoofinta shidaalka ee kooxda OPEC, ayaa ka hadlay ilaalinta dheelitirka iyo xasilloonida suuqyada shidaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Sucuudiga ee SPA.

Boqor Salmaan ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo heshiiska OPEC iyo xulafadeeda oo ay ku jiraan Ruushka, iyo koox loo yaqaan OPEC +, iyadoo toddobaadkii hore, OPEC + ay oggolaatay inay ku adkaysato kororka dhexdhexaadka ah ee wax soo saarkeeda saliidda.

Qiimaha shidaalka ciiriinka ah ee caalamka ayaa kor u kacay 20% sanadkan, waxay u badan tahay inuu dhaafo $100 foosto, sida ay aaminsanyihiin xeel-dheereyaasha.

Sare u kaca qiimaha saliidda ayaa dhib ku ah maamulka Biden kahor doorashooyinka Congress-ka ee bisha Nofembar kaas oo saaxiibadiisa xisbiga Dimuqraadigu ay difaacan doonaan aqlabiyadda aan badneyn ee Senate-ka iyo Aqalka Wakiilada Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM