Madaxii kooxda Wagner Yevgeny Prigozhin 'oo saarnaa' diyaarad Ruushka ku burburtay

Image
SAWIR HORE

MOSCOW, Ruushka - Madaxii kooxda Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku jiray liiska rakaabka diyaarad ku burburtay Ruushka, oo ay ku dhinteen dhammaanba 10-kii qof ee saarnaa.

Waxaa la rumeysan yahay inuu diyaaradda saarnaa.

Goor sii horreysay, barta Telegram ee Grey Zone oo lala xiriiriyo Wagner ayaa shaacisay in diyaaradda ay difaaca cirka ku soo rideen gobolka Tver, oo waqooyi ka xiga Moscow.

Prigozhin ayaa hoggaaminayay kacdoonkii dhicisoobay ee ka dhanka ahaa ciidamada Ruushka, bishii June.

 

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM