Madaxwayne hore oo xabsi lagu xukumay isagoo qurba joog ah

Image
76-jirkan oo hadda ku nool dalka Faransiiska ayaa horay u dhaleeceeyay madaxweyne Kais Saied.

TUNIS, Tunisia – Maxkamad ku taalla dalka Tunisia ayaa afar sano oo xarig ah ku xukuntay madaxweynihii hore ee dalkaasi, Moncef Marzouki, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay amniga qaranka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

76-jirkan oo hadda ku nool dalka Faransiiska ayaa horay u dhaleeceeyay madaxweyne Kais Saied, wuxuuna ku baaqay dibadbaxyo.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa Arbacadii sheegtay in lagu helay danbi ah "in uu khalkhal geliyey amniga qaranka oo uu ka yimid dibadda" iyo in uu geystay "dhibaato diblamaasiyadeed".

Hadal uu siiyay Aljazeera ayuu Marzouki ku diiday xukunka oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah, wuxuuna yiri “waxaa soo saaray madaxweyne aan sharci ahayn oo dastuurka afgambiyay”.

Marzouki ayaa xusay in eedeymaha isaga loo soo jeediyay ay yihiin "ka-noqoshada xaqiiqada" taa beddelkeedana ay quseyso Saied, kaasoo bishii Luulyo la wareegay awoodo fulineed.

Saciid, oo hore u ahaa borofisar ku takhasusay sharciga dastuurka, ayaa loo doortay madaxweynaha 2019. 25-kii Luulyo, ka dib bilo qalalaase siyaasadeed iyo dhaqaale, waxa uu shaqada ka ceyriyay xukuumadda, shaqadana ka joojiyay baarlamaanka, waxaana uu billaabay olole ballaaran oo ka dhan ah musuqmaasuqa.

Bishii Sebtembar, waxa uu sii xoojiyay awoodiisa isaga oo dhinac isaga tuuray inta badan dastuurka dimuqraadiga ah ee 2014 si uu u sheego in uu ku xukumi karo digreeto inta lagu jiro xilliga tallaabooyin aan caadi ahayn, wuxuuna ballan qaaday wadahadal ku saabsan isbeddello kale.

Horaantii bishaan, waxa uu ku dhawaaqay in baarlamaanka uu baaqi sii ahaan doono ilaa doorasho cusub oo dhacaysa 17-ka December ee sanadka soo socda.

Waxa uu sidoo kale ku dhawaaqay 11 toddobaad oo "la-tashi dadweyne" si loo soo saaro "qabyo qoraal ah oo dastuuri ah iyo dib-u-habeyn kale" ka hor inta aan la qaban aftida July 25, 2022, ee dastuur cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka tagey Pakistan isaga oo aan la kulmin ergadii Mareykanka

“Wax walba annaga ayaa gacanta ku hayna. Way na soo wici karaan mar kasta oo ay doonaan,” ayuu raaciyay.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:35PM

Al-Sisi oo ka digay “isku dayo ula kac ah” oo Israel ku beddelayso khariidadda Bariga Dhexe

Waxa uu sidoo kale si cad u muujiyay diidmada adag ee Masar ee ku aaddan isku day kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:07PM