Madaxwayne hore oo laga sii daayay xabsi uu ku jiray muddo 16-sano ah

Image
Fujimori ayaa 25 sano oo xabsi ah loogu xukumayay ku xad-gudubyo xuquuqul insaanka sagaashameeyadii.

LONDON, UK - Madaxweynihii hore ee Peru, Alberto Fujimori, ayaa la sii daayay ka dib markii maxkamadda ugu sarreysa dalkaas ay dib u soo celisay cafis muran badan dhaliyay sanadkii 2017-dii.

Fujimori, oo 85 jir ah, ayaa laga sii daayay xabsiga Lima ee Barbadillo Arbacadii, maalin ka dib markii ay maxkamaddu xukuntay in dib loo soo celiyo cafiska sababo bini'aadinimo.

Talaabadan waxaa dhaleeceysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ee Inter-American Court of Human Rights (Maxkamadda Inter-American) iyo qoysaska dhibanayaasha.

Fujimori oo 25 sano oo xabsi ah loogu xukumayay ku xad-gudubyo xuquuqul insaanka sagaashameeyadii, waxa uu xabsiga ku jiray 16 sano ka dib markii laga soo musaafuriyey Chile 2007-dii. 

Alberto Fujimori, oo asal ahaan ka soo jeeda Japan, oo dalkaan hoggaaminayay 1990 ilaa 2000, ayaa u kala qaybiyay Peruvian-ka sida hoggaamiyeyaashii hore ee kale.

Madaxweynihii hore ayaa sanadkii 2009-kii lagu helay in uu amray dilka 25 qof sanadihii 1991 iyo 1992, balse waxaa cafis u fidiyay bishii December 2017 madaxweynihii hore Pedro Pablo Kuczynski.

Cafiska ayaa dhowr jeer waxaa diidey maxkamadaha hoose ka dib cadaadis uga yimid Maxkamada Inter-American iyo qoysaska dhibanayaasha, ilaa go'aanka maxkamada dastuuriga ah ee usbuucan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Croatia oo Diiday inuu Aqbalo Danjiraha Cusub ee Israel

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel ayaa sheegtay inay la shaqaynayso dhiggooda dalka Croatia.

  • Caalamka

    19-05-2026

  • 08:51AM

Trump oo Hakiyey Weerar Lagu Qaadi Lahaa Iran Kadib Codsi uga Yimid Hoggaamiyeyaasha Khaliijka

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad..

  • Caalamka

    18-05-2026

  • 09:12PM