Madaxwayne isku-casilay fadeexad musuqmaasuq xooggan

Image
Dalkan waa dhif in ay ka dhacaan is-qabqabsi siyaasadeed. Hal madaxwayne oo qura ayaa horey xilka looga qaadey.

HANOI, Vietnam - Madaxweynaha Vietnam, Nguyen Xuan Phuc, ayaa is-casilay ka dib maalmo ay soo baxayeen warar xan ah oo la isla dhex marayey in lagu wado in xilka laga qaado taasoo qeyb ka ah la dagaalanka musuq maasuq oo dhowr wasiir xilka looga qaaday.

Shaqo ka tagida lama filaanka ah, oo ay faafisay warbaahinta dawladdu Talaadadii, waa tallaabo aan caadi ahayn oo looga baran dalkan shuuciga ah, maadaama oo isbeddellada siyaasadeed aalaaba la qorsheeyo, iyada oo xoogga la saarayo xasillooni.

Hal madaxweyne oo kale oo xisbiga shuuci ah ayaa waligiis xilka ka dagay, taasina waxay ahayd sababo caafimaad. Laakiin waa dhif iyo is-qabqabsi siyaasadeed uu yimaado.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in xisbiga Shuuciga ah uu go’aamiyay in uu mas’uul ka ahaa khaladaad ay sameeyeen wasiirro sare oo isaga ka hoos shaqeynayay muddadii u dhaxeysay 2016-2021 oo uu ahaa ra’iisul wasaare ka hor inta uusan noqon madaxweynaha.

Laba ra'iisul wasaare ku xigeen ayaa shaqada laga eryay bishaan si loo nadiifiyo musuqmaasuqa taasoo keentay in la xiro tobanaan mas'uuliyiin ah, iyadoo qaar badan oo ka mid ah eedeymaha musuqmaasuqa ah ee la xiriira heshiisyada la sameeyay.

Horaantii bishaan, baarlamaanka qaranka ee dalka ayaa xilalkii ra’iisul wasaare ku xigeen ka qaaday Pham Binh Minh, oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda iyo Vu Duc Dam.

Ugu yaraan 100 sarkaal iyo ganacsato, oo uu ku jiro kaaliyaha Dam, ayaa loo xiray fadeexad la xiriirta qeybinta xirmooyinka baaritaanka safmareenka Covid-19.

Vietnam waxaa maamula xisbiga shuuciga, waxaana si rasmi ah u hogaaminaya xoghayaha guud ee xisbiga, madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha, iyadoo go'aamo muhiim ah ay gaareen xafiiska siyaasadda, oo hadda gaaraya 16. Waa dhif dhacdooyinka waqti-xaadirkan soo if-baxaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

  • Caalamka

    28-04-2024

  • 04:23AM

Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 07:47AM