Madaxwayne maxaabiis ku badashay rag adeer u ah xaaskiisa

Image
Is-weydaarsiga waxaa ku jiray shan sarkaal oo Mareykan ah oo madax ka ah shirkad ka shaqeysa shidaalka.

WASHINGTON, United States - Venezuela ayaa sii deysay 7-qof oo u dhashay dalka Maraykanka oo u xirnaa, si loo sii daayo laba qof oo qaraabo la ah madaxweynaha Venezuela ninka lagu magacaabo Nicolas Maduro, sidda ay Sabtidii xaqiijiyeen labada dal.

Isweydaarsiga waxaa ku jiray shan sarkaal oo Mareykan ah oo madax ka ah saliidda, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Ameerikaanka ayaa lagu bedelay laba wiil oo uu adeer u ah xaaska Maduro, kuwaas oo 18 sano oo xabsi ah ku joogay dalka Maraykanka, iyaga oo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogo, sida ay saraakiishu sheegeen.

Venezuela waxay sheegtay in laba nin "si xaq darro ah" loogu haystay Mareykanka la sii daayay. Ma aysan bixin tafaasiil ku saabsan sababaha ay ugu jiraan xabsiyada Mareykanka.

Bayaan kooban oo kasoo baxay dowlada Venezuela ayaa wuxuu intaa ku daray in koox muwaadiniin Maraykan ah loo sii daayay "sababo bini'aadantinimo".

Isweydaarsiga waxaa ka mid ahaa madaxdii shirkadda Citgo ee laga leeyahay dalka Venezuela oo fadhigeedu yahay Mareykanka, marka laga soo tago halyeeyga badda ee Mareykanka Matthew Heath iyo muwaadin kale oo Mareykan ah oo lagu magacaabo Osman Khan, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Madaxda sare ee shidaalka – Tomeu Vadell, Jose Luis Zambrano, Alirio Zambrano, Jorge Toledo iyo Jose Pereira – ayaa xabsiga la dhigay shan sano ka hor, ka dib markii looga yeeray shir ka dhacay magaalada Caracas waxaana kadib lala xiriiriyey falal argagixisanimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM