Madaxwayne mushaharkiisa ugu deeqay gargaarka Ukraine

Image

WASHINGTON, USA - Hogaamiyaha Ukraine, Zelenskyy, ayaa ku andacoonaya in ku dhawaad ​​6,000 oo Ruush ah lagu dilay lixdii maalmood ee ugu horeysay duulaanka Moscow, wuxuuna uga digay Kremlin-ka in aysan awoodi doonin inay gacanta ku dhigto guud ahaan Ukraine xataa hadii ay adeegsato bambaanooyin iyo duqeymo cirka ah.

Zelenskyy ayaa sheegay in duqeyntii Ruushka ka fuliyey Kyiv maalintii Talaadadii gaar ahaan dhismaha xusuusta Holocaust "ay caddaynayso in Putin uu ajaaniib u arko xataa Ruushiyaan Kyiv ku nool".

"Ma garanayaan wax ku saabsan Kyiv iyo taariikhdeena. Laakiin dhammaantood waxay leeyihiin amarro ah in la tirtiro taariikhdeena, dalkeenna, iyo guud ahaan jiritaankeena," ayuu raaciyay.

Ruushka si cad uma shaacin tirada ciidamadooda looga dilay gulufkan. Warbaahinta madaxa-banaan waxay ka gaabsatay in ay shaaciso khasaaraha bedelkeedna waxay diiradda saartey saameynta.

Dhanka kale, dadweynaha Ruushka looma ogola inay dalka kaga baxaan wax ka badan $10,000 iyadoo Kremlin ay isku dayayso inay caasimad ku sii haysato hantida maguurtadda ah.

Sharcigan wuxuu saameynayaan dhaqdhaqaaqa lacagaha qalaad. Sidoo kale wuxuu u muuqdaa mid loogu talagalay in lagu hubiyo in dadka isku dayaya inay ka baxaan Ruushka - maadaama cunaqabatayn lagu soo rogay dalka - aysan qaadan dhamaan hantidooda.

Safafka dhaadheer ayaa hadda ku badan mashiinnada lacagta caddaanka ah ee weli haysta waraaqaha bangiga iyadoo dadku ay isku dayayaan inay la noqdaan hantidooda maadaama lacagta Ruushka ay si degdeg ah u lumisay inta badan qiimaheeda ​​sababo ku aadan cunaqabataynta.

Qiimaha badeecadaha la soo dejiyo ayaa kor u kacaya, dadkuna waxay isku dayayaan inay iibsadaan alaabada qaarkood, sida talefannada cusub, ka hor intaysan sarre u kicin guud ahaan maciishadda.

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay (OHCHR) ayaa shaaca ka dhigay in ugu yaraan 136 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 13 caruur ah la dilay tan iyo markii uu Ruushku galay Ukraine todobaadkii hore.

Liz Throssel, oo ah afhayeenka OHCHR, ayaa tibaaxdey in 400 oo kale ay dhaawacmeen. "Khasaaraha dhabta ah waxay u badan tahay inuu intaas ka badan yahay," ayay tiri, iyadoo raacisay in 253 ka mid ah dhaawacyada ay ka dhaceen gobollada Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine.

Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in iyada, madaxweyne ku xigeenka William Lai iyo ra'iisul wasaare Su Tseng-chang mid walba uu ku deeqi doono mushaarkiisa hal bil ah si uu uga caawiyo dadaallada gargaarka bini'aadantinimo ee Ukraine. Talaabadan waxay soo jiidatay indhaha caalamka maadaama ay tahay mid dhif iyo naadir ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM