Madaxwayne oo isa-soo-dhiibay si loogu gacan-geliyo dalkiisa

Image
Alejandro Toledo ayaa loo haystaa in uu malaayiin doolar laaluush ah ka qaatay shirkad ka dooneysay qandaraasyo.

WASHINGTON, USA - Madaxwaynihii hore ee Peru, Alejandro Toledo, ayaa isKu dhiibay saraakiil Maraykan ah, waxaana la filayaa in loo gacan geliyo dalkiisa si uu u wajaho dacwad la xiriirta inuu laaluush malaayiin dollar ah ka qaatay shirkad laga leeyahay Brazil.

Is-dhiibida dhacdey Jimcihii ayaa waxay ka dhigan tahay dhamaadka dagaal sharciyeed oo socday muddo sanado ah kaasoo bilowday markii Toledo lagu xiray July 2019 gurigiisa magaalada Menlo Parlo gobolka California.

Xarigaas oo dunida gilgil isla markaana hareeyay warbaahinta caalamka ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii dacwad oogayaasha Peru ay codsadeen in loo gacan geliyo taasoo qayb ka ah fadeexadda musuqmaasuqa.

Toledo ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ugu yaraan $20 milyan oo laaluush ah ka qaatay Odebrecht, oo ah shirkad ka shaqeysa arrimaha dhismaha oo weyn oo Brazil laga leeyahay.

Odebrecht ayaa waxay u qiratay mas'uuliyiinta Mareykanka inay laaluush siisay mas'uuliyiin sar-sarre si ay qandaraasyo ugu qaataan dalka dhaca Latin America oo dhan muddo tobanaan sano ah.

Madaxweynihii Peru mudadii u dhaxeysay sanadihii 2001 ilaa 2006, Toledo, ayaa waxa uu si adag u beeniyay eedeymaha culus ee loosoo jeediyay, wuxuuna dalbaday in uu sii joogo Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, maxkamada racfaanka ee dalka Mareykanka ayaa diiday mooshinkii ugu dambeeyay ee uu gudbiyay todobaadkan, waxaana xaakim federaal ah uu ku amray inuu isa-soo-dhiibo si loogu celiyo waddankiisa hooyo isla markaana maxkamad loosoo taago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM