Madaxwayne wajahaya eedo hareeyay wiilkiisa curudka ah

Image

BRASILLIA, Brazil - Madaxweynaha Brazil, Jair Bolsonaro, ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qorshe lagu dhimayay mushaaraadka kaaliyeyaashiisa hal ku xigeen heer federaal ah, sida uu Isniinti wariyey mareegga UOL. Tani waxay sarre-u-qaadeysaa culeyska siyaasadeed ee saaran hogaamiyaha midigta-fog.

Iyaga oo tixraacaya waxa ay ku sheegeen duubista codad laga helay Bolsonaro kuwaas oo si qarsoodi ah looga duubay madaxweynaha, UOL waxay sheegtay in eedeymaha ay kamid yihiin shaqaalaysiinta dadka ugu dhow dhow shaqaale ahaan ka dibna laga jaro mushaharkooda guud ee dadweynaha dib looga celiyo.

Warbixinta majaladda UOL ayaa caddeynaysa markii ugu horeysay ee Bolsonaro si toos ah loogu lug yeesho qorshahan oo kale oo waddankaas looga yaqaano "rachadinha".

Macluumaadka uu faafiyey wargeyska UOL ayaa waxay ku saleysan yihiin codad Bolsonaro ka duubtay sodogtiisii hore, Andrea Siqueira Valle isla markaana ay dusiyeen illo wareedyo kala duwan.

Dacwad oogayaasha gobolka Rio de Janeiro ayaa si rasmi ah u cadaadiyey eedeymaha ka dhanka ah Senator-ka federaalka ah Flavio Bolsonaro, oo ah wiilka curadka madaxweynaha, ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu ka qeyb qaatay isla falkan oo kale markii uu ahaa xildhibaanka gobolka.

Warbixinta Isniinta waxay imaaneysaa iyadoo Bolsonaro uu wajahayo caro dadweyne oo baahsan iyo mudaaharaadyo ballaaran oo ku saabsan sida uu u maareeyay cudurka COVID-19 ee faafa - iyo su’aalo weydiin ku saabsan musuqmaasuq la sheegay in lagu soo oogay dadaallada soo iibsiga tallaalka ee dowladda.

Hogaamiyaha caanka ah ayaa markii u horeysay 2018 waxaa lagu doortey balanqaad ah inuu xididada u siibi doono musuqmaasuqa kadib markii dhowr fadeexooyin ay ruxeen Brazil. Hase ahaatee, waxay u muuqaneysaa in ay dhankiisa kusoo laabteen eedeymaha wallow dhowr jeer uu fagaare kaga beeniyey in uu khalad sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM