Madaxweynaha Afghanistan oo u hanjabay falaagadda Taalibaan

Image

KABUL, Afghanistan - Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa khudbad u jeediyay dadka reer Afghanistan kadib markii uu si weyn uga aamusay in Taliban ay muddo sideed maalmood gudahood ah ku qaadato in ka badan 18 ka mid ah 34-ka gobol ee dalka.

Ghani ayaa sheegay dib-u-abaabulida Ciidamada Amniga Qaranka Afghanistan ay tahay “mudnaanta koowaad” uuna isku dabaridi qaabab uu ku caawiyo kumanaanka qof ee ku barakacay dagaallada dalka oo dhan.

“Waxaan wadatashiyo ballaaran la yeelannay qof walba oo ka tirsan dowladda iyo saaxiibadda caalamiga ah… wadatashigu wuu socdaa natiijadana waa la idinla wadaagi doonaa dhawaan,” ayuu yiri madaxweynaha Sabtida maanta ah.

Ghani iyo dowladiisa ayaa si weyn u aamusnaa maadaama ay sii kordhayaan gobollada dalka, oo ay ku jiraan Kandahar iyo Herat-oo ah magaalooyinka labaad iyo saddexaad ee ugu weyn dalka, siday u kala horreeyaan oo ay gacanta ugu galeen Taliban.

Toddobaadkii la soo dhaafay markii kooxda hubaysan ay ku soo duushay gobollada koonfurta, waqooyiga iyo galbeedka dalka, dowladda, oo uu ku jiro Ghani, ayaa si weyn uga aamusan horumarka ay sameyneyso Taliban.

Dhawaqa Ghani ayaa imaanaya iyadda oo isla maanta ay 3,000 oo askari oo Mareykan ah ay kasoo gaareen caasimadda Kabul, si ay u sugaan ammaanka garoonka caalamiga ah ee Hamid Karzai.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Afghanistan iyo Taliban ayaa si aad ah u sii kordhay tan iyo bishii May markaas oo isbaheysiga milateri ee uu horkacayo Mareykanka ay bilaabeen bixitaanka waxaana lagu wadaa in la soo gabagabeeyo dhamaadka bisha Ogosto.

Wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya dawladda iyo Taalibaan ee Doha ayaa ka soo baxay natiijooyin yar iyadoo kooxda hubaysan ay guulo degdeg ah ka gaareen dhulka waxaana ay kusii siqayaan qabsashadda magaala madaxda waddankaas ee Kabul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lufthansa oo joojisay 20,000 oo duullimaad colaadda Bariga Dhexe darteed

Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xasilloonida duullimaadyada caalamiga ah ee fogfog.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 01:47PM

Ruto oo cambaareeyay weerarada lagu qaadey Imaaraadka xili uu Abu Dhabi booqday

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan madaxtooyada Imaaraadka iyo xubno ka tirsan dowladda Kenya.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 12:49PM