Madaxweynaha Chile oo Erdogan ku taageeray in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha amaanka

Image
Mareykanka ayaa dhawaan Qaraar xabad-joojin looga sameeyo Qasa u adeegsaday diidmada qayaxan.

NEW YORK (GO) - Madaxweynaha Chile Gabriel Buric ayaa ku booriyay in dib u habeyn degdeg ah lagu sameeyo Qaramada Midoobay ka dib diidmada qayaxan ee Mareykanka ee ka dhanka ah qaraarka ee xabbad joojinta Marinka Qasa.

Buric ayaa ku qoray boggiisa "X": "Dib u habeynta qaab dhismeedka degdega ah ee Qaramada Midoobay waa lama huraan, dunidu maaha sidii ay ahayd 1945.”

Mareykanka ayaa dhawaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u adeegsaday diidmada qayaxan ee qaraarka qabyada ah ee Imaaraatka oo dalbanayay in si deg deg ah xabad-joojin looga sameeyo marinka Qasa, lana sii daayo dhammaan maxaabiista iyadoon wax shuruud ah lagu xirin.

Ingiriiska ayaa ka aamusay codeynta, waxaana 13-ka xubnood ee golaha ammaanka ee haray ay u codeeyeen qaraarka.

Shalay oo Sabti ahayd, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo tilmaamay in dunidu ay ka weyn tahay shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha, isla markaana aan la aqbali karin in shan dal ay maamulaan mustaqbalka caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Croatia oo Diiday inuu Aqbalo Danjiraha Cusub ee Israel

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel ayaa sheegtay inay la shaqaynayso dhiggooda dalka Croatia.

  • Caalamka

    19-05-2026

  • 08:51AM

Trump oo Hakiyey Weerar Lagu Qaadi Lahaa Iran Kadib Codsi uga Yimid Hoggaamiyeyaasha Khaliijka

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad..

  • Caalamka

    18-05-2026

  • 09:12PM