Madaxweynaha Cuba oo "dowlad argagixiso ah" ku sifeeyay Yahuuda

Image
Israa'iil ayuu ku eedeeyay in ay "xasuuq" ka geysaneyso dhulka Falastiiniyiinta ee la xoogga lagu haysto.

DOOXA, Qadar - Madaxweynaha waddanka Cuba, Miguel Diaz-Canel, ayaa waxa uu si kulul u weeraray duulaanka qaawan ee Israa’iil ay ku hayso dhulka la haysto ee Qaza, isaga oo ku eedeeyay milatariga Israa’iil in ay wadaan xasuuq.

Diaz-Canel oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa X (Twitter) ayaa waxa uu su’aal galiyay ilaa inta ay Israa’iil ku raaxaysan doonto ciqaab la’aanta dambiyada ay gashay.

"Xasuuqa ay dowladda argagixsada ee Israa'iil ay ka geysatay Gaza waa bahdil ku wajahan bani'aadamnimada guud ahaan caalamka," ayuu ku qoray baraha bulshada.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Diaz-Canel ayaa intaas sii raaciyay: "Illaa goorma ayay jiri doontaa isla xisaabtan la'aanta, ilaa goorma ayay jiri doontaa dariiqa xorta ah ee dilka?"

"Kuuba, oo aan waligeed ka mid noqon doonin dadka aan dan ka lahayn, waxay kor u qaadaysaa codkeeda ku wajahan taageerida Falastiin mar kale iyo mar kale," ayuu tibaaxay.

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in ciidamada Israa'iil aysan hoos u dhigi doonin xoojinta dagaalka ayna "si qoto dheer u wadaan howlgallada koonfurta Gaza", iyadoo ciidamada cirku ay 24 saac gudahood ku garaaceen 100 bartilmaameed.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Sigrid Kaag u magacaabay isuduwaha gargaarka ee Gaza, laakiin dariiqa loo maro gargaarka bini'aadantinimo ayaa weli ah mid adag iyada oo aan wax nasasho ah laga helin dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM