Madaxweynaha Falastiin oo sheegay in Xamaas ay matalin shacabka dalkaas

Image

QUDUS - Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay mar uu taleefoon kula hadlay madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro in "Siyaasadaha iyo ficilada Xamaas aysan matalin shacabka Falastiin."

Cabbaas waxa uu carabka ku adkeeyay "Diidmada dilka dadka rayidka ah ee labada dhinac, iyo baaqa ah in la sii daayo rayidka maxaabiista ah ee labada dhinac," sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa.

Intii lagu guda jiray wicitaanka, Cabbaas ayaa xaqiijiyay muhiimadda ay leeedahay in la raaco shuruucda caalamiga ah, in si nabad ah la isaga caabiyo cadawga, iyo inaan ku kacno falal siyaasadeed oojeexaya wadada aan ku gaari lahayn yoolalka qarankeena."

Dhankiisa, Madaxweynaha Venezuela ayaa xaqiijiyay in uu garab taagan yahay shacabka Falastiin si ay u soo celiyaan xuquuqdooda sharciga ah ee xorriyadda iyo madax-bannaanida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM