Madaxweynaha Falastiin oo u hanjabay Yahuuda

Image
Maxamuud Cabaas ayaa Israa'iil u qabtey in ay hal sano kaga baxdo dhulka ay xoogga ku haysato.

NEW YORK, USA - Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas, ayaa Israa’iil wuxuu siiyay hal sano oo ay kaga baxdo dhulka ay haysato, wuxuuna ku hanjabay inay ka laaban doonaan aqoonsiga Israa’iil haddii ay ka bixi waayaan.

Isaga oo khudbad toos ah u jeedinaya Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA) Jimcihii, Abbas wuxuu intaas ku daray in ay Yahuudu isir-sifeyn kawado goobaha ay haatan haysto taasoo uu cambaareeyay.

Cabaas ayaa intaas ku daray in Falastiiniyiinta ay diyaar u yihiin inay horgeeyaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda “arrinta ku saabsan sharcinimada qabsashada dhulka dawladda Falastiin”.

Israa’iil ayaa hoos u dhigtay dalabka hogaamiyaha Falastiin. Gilad Erdan, oo ah danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa yiri "kuwa sida dhabta ah u taageera nabadda iyo wada xaajoodka kuma hanjabayaan kama -dambaysta khiyaaliga ah ee madasha Qaramada Midoobay sida uu hadalka u dhigay".

Erdan wuxuu sheegay in khudbadii Cabaas “ay mar kale caddeysay inuusan hadda quseyn”. Geeddi-socodka nabadda ee lagu gaarayo xalka labada dowladood wuxuu ahaa mid aan xirneyn muddo sannado ah.

Israa’iil waxay qabsatay Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Qaza dagaalkii 1967 -kii mana aysan soo afjarin qabsashadaas sharci darrada ah iyadda oo Falastiiniyiintu rabaan inay ka helaan dowlad mustaqbalka dhow.

Aqoonsiga Falastiin ee Israa’iil ayaa aasaas u ahaa heshiisyadii Oslo ee 1993 -kii. Ra'iisul wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa ka soo horjeeda in la abuuro dowlad Falastiin oo deris la ah Israa’iil.

Cabbaas ayaa wajahaya cadaadis culus kaga imaanaya Falastiiniyiinta - oo ka careysan xukunkiisa muddada dheer sii kordhaya ee kaligiis talisnimada ah, iyo sidoo kale iskaashiga dhanka amniga ee uu la leeyahay maamulka Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM