Madaxweynaha Falastiin oo wacad ku maray in lala xisaabtami doono Israa’iil

Image

QUDUS - Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in beegsiga cisbitalka Al-Ahli uu yahay dambi dagaal oo aad u xun oo aan loo dulqaadan karin, isaga oo intaa ku daray "Cidna kama aqbali doono eray aan eheenhala joojiyo dagaalka."

Cabbaas waxa uu intaasi ku daray “Waa dambi aan la cafin karin, sidaas darteedna dowladda ku kacday waxay ka gudubtay khadadka cas, mana ogolaan doono in ay ka badbaado la xisaabtanka iyo ciqaabta”.

Cabbaas ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay tahay in la joojiyo gardarada ka dhanka ah shacabka Falastiin, isagoo beesha caalamka ugu baaqay in ay la xisaabtamaan Israa’iil oo ay ilaalo caalami ah siiyaan shacabka Falastiin.

Waxa uu ku daray inuu samayn doono wax kasta oo lagama maarmaan ah si loo joojiyo dhiigga ku daadanaya Qasa iyo Daanta Galbeed, isagoo yidhi:

“Golaha Ammaankuna waa inuu qaataa mas'uuliyadiisa oo uu soo saara go’aan lagu cambaareynayo dambigaas, isla markaana si degdeg ah lagu joojinayo gardarrada.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM