Madaxweynaha Faransiiska oo booqan doono Israa’iil

Image

PARIS - Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku wajahan magaalada Tel Aviv ee dalka Israa'iil, halkaas oo lagu wado inuu kula kulmo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, sida ay xaqiijisay Madaxtooyada.

Netanyahu ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Madaxweynaha Faransiiska iyo Ra'iisul Wasaaraha Holland Mark Rutte ay booqan doonaan Israa'iil.

Booqashada Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku soo beegantay in ka badan laba toddobaad ka dib weerarradii ay Xamaas ku qaadday Israa'iil, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 1,400 oo qof, oo ay ku jiraan soddon qof oo Faransiis ah.

Sidoo kale, 7 qof oo Faransiis ah ayaa weli la la’yahay, waxaana la rumeysan yahay in dhammaantood ay gacanta ugu jiraan ururka Xamaas, sida uu horey u sheegay Macron.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, iyo Ra'iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa dhammaantood booqday Israa'iil, si la mid ah Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM