Madaxweynaha Faransiiska oo ka hadlay dib usoo celinta ciidamadiisa ee Niger

Image

NIAMEY - Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xaqiijiyay in dib u soo celinta ciidamada Faransiiska ee dalka Niger ay ku dhici doonto oo kaliya codsi ka yimaada madaxweynihii xilka laga tuuray Maxamed Bazoum.

Waxa uu sheegay intii lagu guda jiray shir jaraa'id uu qabtay: "Haddii aan sameyno wax dib-u-dejin ah, waxaan ku sameyn doonaa oo kaliya codsi ka yimaada Madaxweyne Bazoum.

Hogaamiyayaasha afgambiga Niger ayaa ku eedeeyay Faransiiska inuu abaabulayo ciidamadiisa millatari ee ku sugan dhowr waddan oo deriska ah kuwaas oo dhaca Galbeedka Afrika si ay ugu diyaar garoobaan faragelin militari ay ku sameynayaan dalka Niger.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM