Madaxweynaha Iiraan oo ku geeriyoodey shil diyaaradeed

Image
Raisi ayaa ku sugnaa Azerbaijan horraantii Axadda maanta ah si uu u daah furo biyo-xireen isaga iyo Madaxweynaha Asarbayjan Ilham Aliyev.

TEHRAN, Iran - Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Hossein Amir Abdollahian ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

Kooxda gurmadka iyo badbaadinta oo gaaray goobta shilka helikobtarka ayaa xaqiijiyay in aysan jirin cid ka badbaaday shilka, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee IRINN iyo wakaaladda wararka ee Mehr.

Raisi ayaa ku sugnaa Azerbaijan horraantii Axadda maanta ah si uu u daah furo biyo-xireen isaga iyo Madaxweynaha Asarbayjan Ilham Aliyev. Biyo-xireenkan ayaa ah kii saddexaad ee ay labada dal ka dhisteen wabiga Aras.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa ku warantay in shilkan uu ka dhacay meel u dhow Jolfa, oo ah magaalo xuduudeed qiyaastii 375 mayl waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Tehran.

Iran ayaa saaran cunaqabataynta caalamiga ah taasoo ka dhigaysa mid ku adag dowladda in ay soo iibsato diyaarado cusub oo casri ah. Diyaaradeeda militariga ayaa la isticmaalayaa tan iyo 1979kii markii uu dhashay Kacaanka Islaamiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Professor Jason Arday oo Dhalisay Dood Ku Saabsan Hab-dhaqanka Warbaahinta Britain

Qoyskiisa ayaa ku tilmaamay nin dabacsan oo naxariis badan, mar walbana dadka wanaagooda ka eegi jiray.

  • Caalamka

    16-08-2026

  • 04:53AM

Maxkamad ku taalla Israa’iil oo hakisay qorshe xabsiga Ketziot lagu hareereynayo yaxaasyada

Xabsiga Ketziot, oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, ayaa lagu hayaa maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad laga qabtay Marinka Gaza.

  • Caalamka

    15-08-2026

  • 02:46PM