Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Image

Dooxa – Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa ugu baaqay waddamada Muslimiinta ah in ay xiriirka u jaraan Israel, isagoo ugu yeeray in la muujiyo midnimo iyo mowqif mideysan oo lagaga jawaabayo weerarrada Israel.

Pezeshkian ayaa maanta ka ambabaxay Tehran kuna sii jeeday magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo uu ka dhacayo shir madaxeed ay isugu imanayaan hogaamiyeyaasha dunida Carabta iyo Muslimiinta.

“Waa suuragal in waddamada Islaamka ay xiriirka u jaraan nidaamkan been abuurka ah (Israel), si ay u ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda intii karaankooda ah.”

Baaqan ayaa yimid iyadoo Qatar ay martigelineyso hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Muslimiinta si ay uga arrinsadaan weerarkii Israel ay todobaadkii hore ku qaaday caasimadda Falastiiniyiinta ee Gaza, lagana soo saaro mowqif mideysan oo dhanka diblomaasiyadda iyo ficilka ah.

Waxaa la filayaa in shirka Dooxa lagu gaaro go’aamo dhab ah oo lagula xisaabtamo Israel. Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM