Madaxweynaha Iran oo hanjabaad culus u jeediyay Israa’iil

Image
Wakaaladda rasmiga ah ee IRNA ayaa xaqiijisay dilka Mousavi.

TEHRAN (GO) - Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa maanta ballan qaaday in Israa’iil ay heli doonto jawaab ku filan ka dib dilkii ay u geysatay hoggaamiyihii Ilaalada Kacaanka Iiraan u qaabilsanaa Suuriya Reza Mousavi.

Raisi ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, "Shaki kuma jiro in tallaabadani ay calaamad kale u tahay niyad-jabka, daciifnimada iyo awood la'aanta maamulka Israa’iil”.

Reza Mousavi ayaa lagu dilay Suuriya ka dib markii ay Israa'iil duqayn ka geysatay meel u dhow magaalada Dimishiq, sida ay sheegtay warbaahinta Tehran Isniintii.

Wakaaladda rasmiga ah ee IRNA, ayaa dhankeeda xaqiijisay dilka Mousavi, kaasoo mas’uul ka ahaa isku xirka xulafada militari ee Suuriya iyo Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM