Madaxweynaha Iran oo hanjabaad culus u jeediyay Israa’iil

Image
Wakaaladda rasmiga ah ee IRNA ayaa xaqiijisay dilka Mousavi.

TEHRAN (GO) - Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa maanta ballan qaaday in Israa’iil ay heli doonto jawaab ku filan ka dib dilkii ay u geysatay hoggaamiyihii Ilaalada Kacaanka Iiraan u qaabilsanaa Suuriya Reza Mousavi.

Raisi ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, "Shaki kuma jiro in tallaabadani ay calaamad kale u tahay niyad-jabka, daciifnimada iyo awood la'aanta maamulka Israa’iil”.

Reza Mousavi ayaa lagu dilay Suuriya ka dib markii ay Israa'iil duqayn ka geysatay meel u dhow magaalada Dimishiq, sida ay sheegtay warbaahinta Tehran Isniintii.

Wakaaladda rasmiga ah ee IRNA, ayaa dhankeeda xaqiijisay dilka Mousavi, kaasoo mas’uul ka ahaa isku xirka xulafada militari ee Suuriya iyo Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM