Madaxweynaha Iran oo si kulul uga hadlay doorka maraykanka ee hurinta colaadaha

Image

TEHRAN, Iran - Madaxweynaha Iran Ibrahim Raisi ayaa ku eedeeyay Mareykanka inay hurinayaan dagaalka Ukraine, isagoo carabka ku adkeeyay in Tehran ay taageersan tahay in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka.

Raisi waxa uu khudbad uu ka hor jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ku yiri, “Maraykanku waxa uu sii hurinayaa dabka rabshadaha Ukraine si loo wiiqo dalalka Yurub”.

Raisi ayaa ku baaqay in la qaado cunaqabateynta uu Mareykanka saaray Iran kadib markii ay istaageen wadahadaladii lagu doonayay in lagu soo nooleeyo heshiiskii Nukliyeerka.

Raisi waxa uu khudbadiisa ku yiri, “Cunaqabatayntani ma aysan gaarin natiijooyinkii la rabay, waxa la gaaray wakhtigii uu Maraykanku joojin lahaa wadadii khaldanayd oo uu dooran lahaa dhinaca saxda ah”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM