Madaxweynaha Iran oo si kulul uga hadlay doorka maraykanka ee hurinta colaadaha

Image

TEHRAN, Iran - Madaxweynaha Iran Ibrahim Raisi ayaa ku eedeeyay Mareykanka inay hurinayaan dagaalka Ukraine, isagoo carabka ku adkeeyay in Tehran ay taageersan tahay in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka.

Raisi waxa uu khudbad uu ka hor jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ku yiri, “Maraykanku waxa uu sii hurinayaa dabka rabshadaha Ukraine si loo wiiqo dalalka Yurub”.

Raisi ayaa ku baaqay in la qaado cunaqabateynta uu Mareykanka saaray Iran kadib markii ay istaageen wadahadaladii lagu doonayay in lagu soo nooleeyo heshiiskii Nukliyeerka.

Raisi waxa uu khudbadiisa ku yiri, “Cunaqabatayntani ma aysan gaarin natiijooyinkii la rabay, waxa la gaaray wakhtigii uu Maraykanku joojin lahaa wadadii khaldanayd oo uu dooran lahaa dhinaca saxda ah”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM