Madaxweynaha Israa’iil oo si qarsoodi ah ula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Image
Labada hogaamiye ayaa si qarsoodi ah u kulmay intii ay ku guda jireen shirka amniga Munich.

Qasa (GO) - Wargeyska Israa’iil laga leeyahay ee Yedioth Ahronoth ayaa qoray in madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog uu si qarsoodi ah dalka Jarmalka kula kulmay ra’iisul wasaaraha Qatar Mohammed bin Abdul Rahman bin Jassim Al Thani.

Wargeyska ayaa sheegay in labada hogaamiye ay si qarsoodi ah u kulmeen iyaga oo ka qeyb galayay shirka amniga Munich, waxayna ka wadahadleen arrinta ku saabsan sii deynta maxaabiista u afduuban ururka XMS.

Channel-ka 12-aad ee Israel ayaa sheegay in madaxa dhaq-dhaqaaqa XMS ee Marinka Qasa, Yahya Sinwar, uu ku adkeystay dalabaadkiisa intii lagu guda jiray wada xaajoodka Qaahira, mana jiraan calaamado muujinaya in heshiis la gaaray.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sidoo kale sheegay in agaasimaha Sirdoonka Maraykanka CIA William Burns uu booqday Israa’iil uuna la kulmay ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo madaxa Mossad Dadi Barnea.

Warbaahintu waxay tibaaxday in XMS ay soo bandhigtay soo jeedin ah in la sii daayo dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta ku xiran xabsiyada Israa’iil, halka Ra'iisul wasaaraha Israa'iil uu diiday soo jeedintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Wadahadallada Iran way socdaan inkastoo diyaarad drone Iranian ah lasoo riday

Trump oo la hadlay wariyeyaasha Aqalka Cad ayaa sheegay in Washington ay “hada” la wadahadlayso Tehran.

  • Caalamka

    04-02-2026

  • 08:43AM

Diyaarad Dagaal Mareykanku Leeyahay oo Soo Ridday Drone Iran Laga Leeyahay

Afhayeen u hadlay CENTCOM, Kabtan Tim Hawkins, ayaa sheegay in drone-ku uu ku…

  • Caalamka

    03-02-2026

  • 06:33PM