Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo ka digay iskasashiga ka dhaxeeyo Ruushka & Kuuriyada Waqooyi

Image

SEOUL, Soomaaliya - Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay Axadii in Beesha caalamka ay tahay inay isugu yimaadaan ka wadahadalka iskaashiga milatari ee u dhexeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Walaaca laga qabo xiriirka Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa cirka isku sii shareeray tan iyo markii hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu gaaray dalka Ruushka todobaadkii hore oo uu kulan la qaatay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, waxaana uu booqday goobo badan oo caan ah oo dhanka militariga iyo teknolojiyadda ah.

"Iskaashiga milatari ee ka dhexeeya labada dal waa sharci darro iyo caddaalad darro sababtoo ah waxay ka hor imanaysaa qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo cunaqabatayn kale oo badan oo caalami ah," ayuu yiri Yoon.

Waxa uu intaasi ku daray in Beesha Caalamku ay si dhow u midoobi doontaa si looga jawaabo tillaabada noocaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM