Madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlay xabad-joojinta Gaza

Image
Joe Biden ayaa arrinkan soo hadal-qaadey xilli uu la hadlayay warbaahinta Ameerika.

WASHINTON, USA - Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in ay adag tahay in la xaqiijiyo xabad-joojin laga gaaro dagaalka Israa’iil ay ku wado Gaza marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan.

"Waxay u muuqataa mid adag," ayuu Joe Biden u sheegay suxufiyiinta markii la waydiiyay in heshiiska lagu joojinayo dagaalka socdey shanta bilood ah la gaari karo kahor bisha Ramadaan taas oo bilaabmaya horaanta Axadda iyadoo ku xiran aragtida dayaxa.

Biden waxa uu intaa ku daray in "waan hubaa" in aan ka walaacsanahay suurtagalnimada rabshado ka dhaca bariga Quddus ee ay Israa'iil haysato marka ay soo dhawaato bisha Ramadaan, isaga oo ku daray digniin la mid ah horaantii toddobaadkan.

Kooxda wax iska caabinta ee Xamaas ayaa waxay ku boorisay dadka Falastiiniyiinta in ay u abaabulaan dhanka dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee Bariga Quddus.

Sidoo kale, waxa ay sheegtay in aan wax tanaasul ah laga sameyn doonin dalabka dhaqdhaqaaqa ee ah in Israa’iil ay gabi ahaanba isaga baxdo Qaza si loo sii daayo la haystayaasha u xiran Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM