Madaxweynaha Mexico oo dhigiisa Peru ku tilmaamay "Boonbale"

Image
Hadalkan ayaa xiisad diblumaasiyadeed waxa uu ka dhex-qarxiyey labadda dal.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha waddanka Mexico, Andres Manuel Lopez Obrador oo saxaafadda hadlay, ayaa waxa uu weerar ku qaaday dhiggiisa Peru, Dina Boluarte, isaga oo ku sifeeyay inay tahay "boonbale" taasoo xiisad diblumaasiyadeed ka dhex-qarxisay labada dal.

Cilaaqaadka u dhexeeya Mexico iyo Peru ayaa xumaaday tan iyo bishii Disembar kadib markii xilka laga qaaday madaxweynihii hore ee waddankaPeru Pedro Castillo.

Isniintii, Lopez Obrador wuxuu sii watay dhaleeceynta uu u jeedinayo Castillo, isagoo ku tilmaamay xaaladda "gebi ahaanba been abuur ah" iyo "caddaalad darro weyn".

Obrador ayaa waxa uu qiyaasay in "hadafka dhamaadka" ee ka saarista Castillo ay tahay "yagleelida maalqabeeno u dhaca kheyraadka dabiiciga ah ee dalka".

"Waxay u baahan yihiin inay yeeshaan boonbale, guddoomiye af-gaaban oo iyaga u gaar ah," Lopez Obrador ayaa ka sheegay shir jaraa'id oo ay goobjoog ka ahayd warbaahinta

Castillo waxaa xilka ka xayuubiyay sharci-dejiyayaal dabayaaqadii sanadkii hore ka dib markii uu isku dayay in uu kala diro baarlamaanka. Waxaa bedelay madaxweyne ku xigeenkiisii ​​xiligaas, Boluarte.

Jimcihii, Boluarte waxay ku dhawaaqday ka bixitaanka "dhammaan" ee safiirka Peru ee Mexico ka dib markii Lopez Obrador ay ku tilmaantay dawladeeda mid aan dastuuri ahayn.

Waxay sidoo kale diidday waxa ay ugu yeertay faragelinta Lopez Obrador ee "arrimaha gudaha ee Peru iyo su'aalihiisa soo noqnoqda ee aan la aqbali karin ee asalka dastuuriga ah iyo dimoqraadiyadda" ee dawladeeda.

Khilaafka dublamaasiyadeed ayaa bilaabmay wax yar ka dib markii uu xilka la wareegay Boluarte, iyadoo Lopez Obrador uu dhaleeceeyay xil ka qaadista iyo xariga Castillo, kaas oo ku jira xabsi ka hor 18 bilood oo lagu eedeeyay shirqool iyo fallaagonimo. Castillo wuu diiday eedeymaha.

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM