Madaxweynaha Shiinaha oo lix sano kadib booqanaya Sacuudiga

Image
Markii ugu dambeysay ee Xi Jinping u socdaalay boqortooyadda Sacuudi Carabiya waxay ahayd 2016.

RIYADH, Saudi Arabia - Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqdey in madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu Arbacada booqan doono waddankan qaniga ku ah saliidda.

Wakaaladda wararka ee SPA ayaa sheegtay in booqashada Xi ay ku timid casuumaad uu ka helay Boqor Boqor Salmaan "si loo xoojiyo xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal".

Xi ayaa 3-da maalmood ee uu joogo waxa uu ka qeyb galayaa shir madaxeedka Sacuudiga iyo Shiinaha, iyadoo uu wehliyo Boqorka Sacuudiga iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan.

Hogaamiyaha China ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shir madaxeedka wadamada Khaliijka iyo Shiinaha ee iskaashiga iyo horumarinta iyo shirka Carabta iyo Shiinaha oo ay ka qeyb galayaan madaxda wadamada Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Bahrain, Kuwait, iyo Cuman.

SPA ayaa daabacdey in labada shir madaxeed diiradda lagu saari doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka wadajirka ah iyo rajada laga qabo iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta.

Booqashada Xi ayaa ku soo beegantay saddex bilood ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu booqday Riyadh iyadoo ay jirto xiisad dhanka tamarta ah oo uu sababay dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Markii ugu dambeysay ee Xi tagay Sacuudi Carabiya waxay ahayd 2016. Tan iyo waqtigaas, Shiinaha wuxuu sameeyay isbadal ballaaran isaga oo horumariyey saameyntiisa aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM